100 Muwadiniin Soomaali ah oo dalka dib loogu soo celiyay+(SAWIRRO).

Date:

Boqol dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xanibnaa dalka Libiya ayaa lagu guuleystay in dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay, waxaana howshan is ka kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Socdaalka ee marka  magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IOM.

Muwaadintiintan dalka dib loogu soo celiyay oo tiradoodu ahayd 100, qof ayaa 60 ka mid ah waxaa la geeyay magaalada Hargeysa, halka inta kale ay ka soo degeen magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada oo dalka Libya tahriib ku tagay, ayaa waddankaasi dhibaato badan kala kulmay, qaarkood illaa 2-3 sano waxay gacanta ugu jireen kooxaha dadka ka ganacsada ee Magafe loo yaqaan.

Soo celinta dhallinyarada waxaa si wada jir ah iskaga kaashaday Ergeyga gaarka ee Xafiiska Ra’isul Wasaarada, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Libiya.

Danjire. Maryan Yaasiin Ergeyga gaarka ee Xakuumadda u qaabilsan xaquuqda Tahriibayaasha ayaa sheegtay inay qorsheynayaan sidii inta hartay ay dib u heli lahaayeen xoriyaddooda, ayna ka shaqeynayaan xillli kasta sidii loo ilaalin lahaa xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

Danjire Maryan ayaa xustay shaqada hufan oo ah qanbeen mudane Sadaam Garaad oo Xafiiskeeda ka mid ah iyo sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli Mudane Ibraahim Axmed Nuur oo si wanaagsan shaqada u wado maalin walba.

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda ayaa soo dhaweeyay dhallinyaradaan dalka dib loogu soo celiyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...