Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay guddoomiye ku-xigeennada Degmooyinka+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddoomiye ku xigeenada Degmooyinka Gobolka.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenada Amniga iyo Arrimaha Bulshada ayaa looga hadlay dardar galinta shaqooyinka degmooyinka iyo sidii loogu qidmeyn lahaa shacabka ku nool Caasimadda Muqdisho.

“Guddoomiyaha degmad waa howlo badanyahay cida amniga qaabilsan waxaa laga rabaa in ay isdhigan oo ay sii laba laaban nabadgalyada magaalada, arrimaha bulshada waxaa looga baahanyahay in ay ka warqabaan caafimaadka bulshada dagmadaas xaaladaha karoona iyo MCH inta ay la egyihiin dhamaan bahiyaha guud ee caafimaad, bulshad,a dhanka nadaafada degmada aad maamusho, bilicdeeda waa sidee Mas”uuliyad ayaa idinka saaran” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu dambeen kula dardaarmay Guddoomiye ku-xigeennada Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay shaqooyinka  ay hayaan  sii laba laabaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...