Gudiga xaaladaha deg dega ee dalka UK ee Cobra oo maanta yeelanayo kulan gaar ah oo diirada lagu saarayo nooc cusub oo ka mid ah karoonaha oo dalkaasi laga helay..

Date:

Gudiga xaaladaha deg dega ee dalka UK kaas oo loo yaqaan Cobra oo uu hogaamiyo ra’isulwasaaraha ayaa yeelanaya maanta oo isniin ah kulan gaar ah oo diirada lagu saarayo nooc cusub oo ka mid ah karoonaha oo UK laga helay.

Feyraskan oo si lixaad leh ku faafaya ayaa sababay in la soo saaro xayiraado kale oo hor leh

Gudiga Cobra ayaa waxaa horyaala arimo ay mid yihiin qaabka faafida cudurka looga hortagayo iyo sida loo wajahayo wadamo badan oo mamnuucay duulimaadka UK ka imaanaya.

Dalka faransiiska ayaa xiray surinka biyaha English Chanel oo ay isaga gooshaan maraakiibta iyo doonyaha sida gaadiidka xamuulka .

Faransiisku waxay sheegeen in ay hakiyeen gaadiidka UK ka imaanaya 48 saac

Sidoo kale waxaa joogsaday tareenka dheereeya ee bada gunteeda hoose mara ee Eurostar kaas oo isku xira Yurub iyo UK.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...