Ku dhowaad 10 ruux oo ku dhimatay Afghanistan ka dib qarax ka dhacay caasimadda wadankaas ee Kabul.

Date:

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay maanta caasimadda wadanka Afghanistan ee Kabul ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyootay waxaana bartilmaameedkiisu ahaa xildhibaan ka tirsan barlamaanka dalka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Khan Mohammed Wardak ayaa ka badbaaday weerarka, iyadoo 20 qof ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan haweenka iyo carruur, sida wasiirka arrimaha gudaha Afghanistan Mascuud Andarabi sheegay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Afghanistan waxaa kordhay weerarada iyo qaraxyada todobaadyadii u dambeeyay iyadoo dowladda iyo Taliban oo wadahadal u socdo kaas oo la doonayo in lagu soo afmeero dagaalka ku dhowaad 20 sano ka socday dalkaas.

Dhinca  kale, Axaddii qaraxyo ayaa laga soo wariyay gobolada Logar, Nangarhar, Helmand iyo Badakhshan, waxaana ku waxyeeloobay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga.

Jimcihii qarax loo adeegsaday mooto Bajaaj ayaa dilay 15 ruux oo ay ku jiraan 11 caruur ah, dhibaatada ayaa ka dhacday gobolka bartamaha ku yaala ee Ghazni.

Wasiiradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa war qoraal ah ku sheegtay in Taliban dileen 487 oo rayid ah iyadoo laamaha amniga ku qaaday 35 weerar iyo 507 qarax guud ahaan dalka sadexdii bilood ee la soo dhaafay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...