Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay Aaska Saraakiishii Qaranka ee ku shahiiday Qaraxii Gaalkacyo+(SAWIRRO).

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu sameeyey Gaalkacyo saraakiishii qaranka ee ku shahiiday falkii argagixisadu shalay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Salaadda Janaasada ayaa waxaa marxuumiinta wadajir ugu tukaday Ra’iisul Wasaaraha , Madaxda Galmudug, Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, Puntland, Galmudug, Xildhibaanno heer federal, heer gobol iyo saraakiisha Ciidamadda. Waxayna Allah uga baryeen inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo guud ahaan dadkii ku dhintay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cadowga ummadda Soomaaliyeed aan looga hari doonin beegsiga haldoorka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo. Isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marna ilaawi doonin halyeeyadii qaranka ka shahiiday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...