Mareykanka oo meel mariyay tallaalkii labaad oo COVID-19 looga hor tagayo.

Date:

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay tallaalkii labaad oo ay soo saartay shirkadda Moderna, taas oo keeni doonta in cudurka COVID-19 laga tallaalo malaayiin Amerikaan ah.

Hey’adda cunada iyo dawada Mareykanka ee loo soo gaabiyo FDA ayaa todobaadkii hore meel marisay tallaalka ay soo saareen shirkadaha Pfizer iyo BioNTech kaas oo dadka lagu bilaabay in la siiyo.

Mareykanka wuxuu iibsan doonaa labo milyan oo kuuro oo tallaalka shirkadda Moderna ah in ka badan lix milyan oo ruux ayaa lagu mudi doonaa tallaalkan.

In ka badan 313,500 oo qof ayaa Mareykanka ugu geeriyootay xanuunka Corona halka ku dhowaad 17.5 milyan oo kiis laga diiwaan geliyay dalka Mareykanka.

Tallaalkan cusub oo ay soo saartay shirkadda Moderna isla markaana noqoneya kii labaad oo Mareykanku ogolaado ayaa la siin doonaa dadka da’dooda ka weyn tahay 18 sano jir.

Dadka ugu badan ee ka faa’idi doona ayaa ah kuwa miyiga ku nool maadaama uusan u baahneyn tallaalkan heer kul badan.

Tallaalka shirkadda Moderna wuxuu u baahan yahay heer kul gaaraya -20C halka kan kale oo ay soo saareen shirkadaha Pfizer iyo BioNTech uu u baahan yahay -75C.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...