Howlgal lagu dilay Horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose.

Date:

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay dileen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5aad ee guutada DANAB  Carab Dheeg Axmed ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in howlgalkaas lagu dilay saddex Horjooge iyo 13 xubnood oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen lix xubnood.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay sheegay in Ciidanka ay bur-buriyeen xarumo Al-shabaab ay ku lahaayeen degmadaasi Jamaame ee gobolka Jubadda hoose howlgalkana uu ahaa mid qorsheeysan oo argagixisada looga sifeynayay gobolka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...