Golaha Amniga oo ansaxiyay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u fadhi doona Liibiya.

Date:

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe ayaa ansixiyay soo jeedintii  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe  António Guterres ee aheyd in Nickolay Mladenov noqdo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Liibiya.

Nikolay Mladenov  ayaa bedeli doona Gassaan Salaama  oo ka tegay xilkaas bishii March ee la soo dhaafay, culeys dartiis.

Bayaan ay soo saareen xubnaha Golaha Amniga ayaa lagu sheegay inay  muhiim tahay in la helo hannaan lagu kalsoonaan karo si Liibiya looga hirgeliyo xabbad joojin dhab ah.

Golaha ayaa ku baaqay mar kale in dhammaan dagaalyahanada ajaanibta ah ee jooga dalkaas inay dhaqsi uga baxaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...