Hay’adda duulista Itoobiya oo sheegtay in dib loo bilaabay duulimaadyadii diyaaradaha ee tegi jiray gobalka Tigray.

Date:

Hay’adda duulista dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dib loo bilaabay duulimaadyadii diyaaradaha ee tagi jiray gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Qoraal ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in 2:00pm waqtiga Itoobiya ee maanta ay duulimaadyadu fasax yihiin kaddib markii sida ay sheegeen laga guul gaaray howlgalkii sharci soo celinta.

Hay’adda duulista ayaa afartii November waxaa ay joojisay duulimadyada garoomada magaalooyinka Mekelle, Axum, shire iyo Humera kaddib markii uu bilowday dagaalkii u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa TPLF.

Ku dhawaad 40 cisho ayuu gobalka Tigray go’doon ka ahaa Itoobiya inteeda kale kaddib markii la joojiyay gaadiidka cirka iyo dhulkaba

Arintan ayaa imaaneysa maalin un kadib markii Ra’isulwasaaraha Itoobiya uu booqday magalaada Mekelle ee xarunta Tigray, isaga oo sheegay in isgaarsiinta la soo celiyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...