Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bakool oo si rasmi ah xilka ula wareegay+(SAWIRRO).

Date:

Munaasabadaan uu xilka kula wareegay maamulka cusub ee Gobolka Bakool dhawaan loo soo magacaabay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Golaha deegaanka degmada Xudur, odayaasha dhaqanka, waxqaradka, culimaa’udiin, haween, dhallinyaro, saraakiisha ciidamada, maamulka xilka wareejinayey, fanaaniin  iyo marti sharaf kale munaasabadda ka qeybgalay.

Ugu horeyn waxaa si kooban munaasabadda uga hadlay ku-simaha guddoomiyaha Degmada Xudur Mustaf Aadan, wuxuna balan qaaday in maamulka iyo shacabka reer Xudur ay la shaqeynayaan Guddoomiyaha cusub.

Qeybihii kala duwanaa ee munaasabadda ka hadlay iyo maamulada degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure ayaa u hambalyeeyey guddoomiyaha cusub iyo ku-xigeenadiisa, waxayna ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan amni xumada ka jirta deegaannada gobolka Bakool.

Intaa kaddib Guddoomiyihii hore ee gobolka Bakool Maxaned Cabdi Tol oo xilka wareejiyey oo hadalo dardaaran ah munaasabada ka jeediyey ayaa yiri “Reer Xudur waxaan idin kula dardaarmayaa in aad xoojisaan isku duumnida iyo lashaqeynta maamulka, laamaha amniga iyo ciidamada si aad yoolkiina u gaartaan oo nabad ugu noolaataan”.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bakool mudane Ibraahim Macalin Nuur Shiine oo u mahadceliyey maamulkii hore ayaa bulshada ka codsaday in ay la shaqeeyaan, shaqada ugu horeysana ay noqon doonto xoojinta amniga.

Ugu dambeyn munaasabadda waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Maxamed Abuukar Cabdi, ayaa umahceliyey maamulkii hore sida wanaagsan ay xilka u wareejiyeen, isgoo maamulka cusub ee gobolka Bakool u rajeeyey in ay wax ka qabtaan xaaladda amni ee gobolka Bakool ka taagan, iyagoo garabsanaya shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...