Horjoogayaashii Argagixisada u qaabilsanaa sameynta qaraxyada oo lagu qaarajiyay Jubbada Hoose.

Date:

Ciidamada Xooga dalka ayaa how-gal qorsheysan oo ay ka sameeyeen degmada jilib ee gobolka jubada dhexe ku dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyaadka Al-shaab uqaabilsanaan saameynta jaakadaha ay qaraxyada u isticmaalaan iyo suumamka laysku xero taasi oo ay ugu talagaleen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Kumaandooska sida gaarka ah utababaran ee danab ayaa degmada jilib ee Gobolka jubada dhexe ku dilay horjooge Muxsin Caliyoow oo ka soo jeeda Gobolka waqooyi bari Kenya iyo horjooge Maxamed Sheikh kuwaasi oo qaabilsanaa farsameynta jaakadaha iyo suumanka ay al-shabaab u Adeegsadaan isqarxinta iyo labo horjooge oo kale sida ay Idaacadda Ciidamadda qalabka sida usheegeen saraakiil ka tirsan kumaandooska xoogga dalka ee danab oo howl-galka hogaaminayay.

Saraakiisha danab ayaa intaasi ku daray duqeynta iyo howl-galka qorsheysan ee laga fuliyay jilib ujeedkooda inuu yahay ka hortaga qaraxyada ay ummadda Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan Al-shabaab.

10-kii bishaan December ayaa degmada jilib waxaa ka dhacay duqeeyn ay iska kaashadeen ciidanka kumaandooska xoogga dalka iyo howl-galka mareeykanka ee Africom duqeeyntaasi oo lagu bur-buriyay warshadii sameeynta qaraxyada ee Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...