Madaxweyne Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay guddoonka baarlamaanka Galmudug+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa casho sharaf ku maamuusay xildhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.
Casho sharaftan oo ku qabsoomtay madaxtooyada qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Galmudug marwo Faadumo Cabdi Cali iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...