Wasiirka haweenka iyo madaxa UNDP Soomaaliya oo arrimo muhiim ah ka wadahadlay+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) iyo u wakiilada hey’adda UNDP Soomaaliya, Jocelyn Mason, ayaa maanta ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Kulanka wasiirka iyo wakiilka UNDP Soomaaliya waxaa sidoo kale, goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda, mudane Deeq Saleebaan Yuusuf, iyo mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda UNDP.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale, waxay xarigga ka jareen xafiisyo cusub oo wasaaradda haweenka ku yeelan doonto gudaha xarunta hey’adaha Qaramada Midoobay oo ku taala agagaarka Airport Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay indha indheyn ku sameeyeen qeybaha uu ka kooban yahay, xafiisyada wasaaraddu ku yeelan doonto xarunta UNCC.

Wasiirka haweenka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa wadda dardar cusub oo ay ku doonayso in ay ku xoojiso wada shaqeynta hey’adaha wasaaradda bah-wadaagta la ah oo ay UNDP kamid tahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...