Tanzania wasiir akhrin waayay dhaarta dastuuriga oo xilka laga qaaday.

Date:

Madaxwaynaha Tanzania ayaa xil ka qaadis ku sameeyay wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta ka hor inta uusan xafiiska la wareegin, ka dib markii uu akhrin waayey qoraalka dhaarta.

Sida ay tabisay warbaahinta Tansaaniya, xildhibaan Francis Ndolan oo dhawaan loo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda macdanta dalkaas ayaa ku guul darreystay inuu akhriyo qoraalka dhaarta inkasta uu dhowr jeer isku dayay.

Madaxweyne John Magufuli ayaa dhacdadaan kadib xil ka qaadis ku sameeyay wasiirka oo aan si rasmi ah xilka ula wareegin.

28-kii October, ee sanadkan Tansaaniya waxaa ka dhacay doorashadii madaxweynaha iyo baarlamaanka, waxaana ku guuleystay Xisbiga Kacaanka ee talada dalkaas hore u haayay oo uu hogaamiyo madaxweyne Magufuli.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...