Kumandooska Gorgor ee xoogga dalka oo saaka la wareegay degaanka Gendershe.

Date:

Ciidanka kumandooska Gorgor ee xoogga dalka ayaa saaka argagaxisada Alshabaab kala  la wareegay degaanka Gendershe, ee gobolka Shabeelaha hoose, sida uu sheegay wariye Cabdulaahi Shilaawe, oo ka tirsan Idaacadda codka ciidanka qalabka sida, oo ku sugan Gendershe.

Taliyaha ciidanka lugta Janaraal Maxamed Tahliil Geedi, ayaa hor kacaya howlgalka saaka ciidanka ku qaadeen degaanka Gendershe oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen Alshabaab.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidanka si nabad geliyo ah kula wareegeen degaanka, maleeshiyaadkii Alshabaab ayaa isaga cararay ka hor inta aan ciidanka soo gaarin.

Degaanka Gendershe, waxaa uu ka tirsan yahay degmada Marka ee xarunta gobolka, waa degaan dadka ku dhaqan u badan yihiin kalluumeysato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...