Shaqaale QM ka tirsan oo lagu rasaaseeyay Gobolka Tigreey ee Dalkaasi Itoobiya.

Date:

Dowlada Itoobiya ayaa qiratay in ciidankeeda rasaaseeyeen isla markaana ay xireen shaqaale QM ka tirsan gobolka Tigreey, ayagoo ku eedeeyay in ay galeen goobo aan loo ogolaanin amar la’aan.

Redwan Xuseen oo ah afhayeenka ciidanka howlgalka ka wada gobolka Tigreey ayaa sheegay in gobolka loo ogol yahay in ay galaan shaqaalaha gargaarka balse uu tilmaamay in shaqaale ka tirsan QM ay ka gudbeen labo bar kontorool ka dibna isku dayeen in ay dhaafaan mid sadexaad sidaasna lagu rasaaseeyay, isagoo intaas ku daray in shaqaalaha muddo kooban ka dib la sii daayay.

Dhinaca kale, afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa sheegay in kolonyo QM leedahay oo ay la socdeen affar shaqaale ah kuwaas oo doonayay in ay qiimeeyaan xaaladda gobolka ay la kulmeen is hor istaag ciidanka ah, waxaa uu tilmaamay in kolonyada ay hor u dhac u aheyd gaadiidka gargaarka oo halkaas loogu talagalay.

Qaramada Midoobey iyo dowladda Ethiopia ayaa heshiis wada saxiixday arbacadii hore ee 29 bishii tagtay, is afgarad ku saabsan in shaqaalaha gargaarka loo ogolaado in ay ka howlgalaan gobolka Tigreey.

Heshiiska ayaa dhigayay in shaqaalaha gargaarka goobaha ay ka howlgali doonaan ciidanka ka war heyn doono hase yeeshee, wali la iskuma afgaran meelihii ay tagi lahaayeen shaqaaha gargaarka.

Wixii heshiiskaas ka dambeeyay, gaadiidka gargaarka sida ayaa ku sugan xuduuda gobolka halkaas oo 6 milyan oo ruux oo gobolka ku nool u baahan yihiin gargaar bani aadanimo, sida ay sheegtay QM.

Sidoo kale, ku dhowaad 96,000 oo qaxooti Eritriyaan ah oo ku jira affar kaam oo ku yaala gobolka Tigreey ayaa kamid ah dadka dhibaateysan.

Shaqaalaha Qaramad Midoobay ayaa lagu rasaaseeyay kaamka Shimelba oo ay ku jiraan qaxootiga Eritrea.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo la kulantay agaasimaha hay’adda socdaalka dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Hay’adda GIST

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulayman Maxamed Maxamuud...