Waxaa Meel gabagabo ah maraya wajiga 1aad ee dhismaha wado isxilqaan lagu dhisayo ee magaalada Xuddur +(SAWIRRO).

Date:

Dhismaha wadadaan halbowlaha ah waxay ka mid tahay hormarada dalka ee isxilqaanka lagu dhisayo waxana gabagabo maraya wajiga 1 aad ee dib u dhiska wadada isku xirta xaafada buulow iyo magaalada oo xilli roobaadka aan lamarijirin, bulshada magaalada xuddur ayaa qofba awoodiisa barnaamijka uga qeybqaadanaya.

Cabdi Maxamed Xuseen waa darawal isxilqaanka ka qeyb qaadanaya waxan kula kulmay goobta shaqada ka socotay.

Qaar ka mid ah guddiga isxilqaan oo bulshada uga mahadceliyey kaalinta lixaadka leh oo ay ka qaateen dhismaha wadada ayaa dhabka kale fariin udirey jaaliyada ka soo jeeda koonfur galbeed iyo dowlada in ay garab ku siiyaan dhismo buundo lagu qiimeeyey $12,500 dolar oo wadada laga dhisayo.

Xuddur waxay ka mid tahay magaalooyinka shacabkeeda ay u istaageen barnaamijka isxilqaanka ah oo dalka lagu dhisayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...