Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka.

Date:

Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay galisay arrimaha doorashada iyo fulinta doorkii dowladda federaalka Soomaaliya kaga aaddanaa heshiiskii ay gaareen madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii Sibteembar, 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay dowlad goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee hirgelinta doorashooyinka.

“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan dowlad goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xukuumadda federaalka Soomaaliya ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibaarto dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi doorasho oo xasilloon.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...