Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Turkiga siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka.

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Khamiis ah ku qaabilay xafiiskiisa uu ku leeyahay Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz.

Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal, waxaa kale oo ay isla fallanqeeyeen arrimihii ugu dambeeyay xaaladaha gobolka iyo dunida.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Cabdi (Koodaar).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Hambalyo Maalinta Xorriyadda Dowladda Mareykanka

Munaasabadda sanad-guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka awgeed, Wasaaradda Arrimaha...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo...