Qeybo ka mid ah Gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya oo adeegii Isgaarsiinta ka shaqo bilaabay.

Date:

Shirkada kaliya ee taleefanada ee ka jirta Dalka itoobiya ee lagu magacaabo Ethio -telecom ayaa sheegtay in adeegii taleefanada qeybo ka mid ah gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya uu iminka shaqeynayo.

Shirkadu waxay sheegtay taleefanada oo hawada ka maqnaa mudo 3 isbuuc ah sababo la xiriira xiisadaha ka jiray gobalka hada meelaha qaar ay shaqeynayaan inta dhimana ay gacanta ku hayaan.

Deegaanada Dansha,Turkan ,Humera,Shiraro,meytsebri iyo Maykadra ayaa taleefanada qeyb ahaan shaqeynayaan sida shirkada sheegtay.

Magaalada Alamata ayaa taleefanada si buuxda u shaqeynayaan.

Shirkadu waxa ay sheegtay in ay gacanta ku heyso dayac tirka qalabka isgaarsiinta ay waxyeeladu gaartay islamarkaana ay kaashaneyso shirkada korontada itoobiya oo ay tahay in ay adeega korontada soo celiso si ay taleefanada u shaqeeyaan meelaha dhiman ee gobalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...