Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne,isagoo u kuurgalaya xal u helidda arrimaha ka taagan gobolkaasi+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, General Mukhtaar Xusseen Afrax iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay deegaannada ay colaaduhu ka jiraan Gobolka Hiiraan ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wafdiga Wasiirka ayaa ku hormaraya Magaaladda Beledween si ay uga sii gudbaan deegaanka Nagaarta Ee hoos tago Degamada Matabaan si uu uga qayb qaato joojinta colaadda halkaas ka taagaan wasiirka ayaa ku baaqay in si-sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaalka u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ka socdo deegaanno hoos yimaada degmada Matabaan , Gobolka Hiiraan ee maamulka Hir-Shabeelle.

Waxa uu ugu baaqay odayaasha iyo dhinacyada ku diriraya deegaankaas in ay la shaqeeyaan ciidamada Dowlada ee gaaray Halkaas si ay ugu fududaato joojinta dhiiga daadanaya.

Wasiirka ayaa inta uu ku jiro socdaalka nabaddoonimo waxa uu sidoo kale tegayaa deeganada hoose tago Degmada Beledweyne si uu uga qeyb qaato dadaallada lagu xoojinayo Nabadda, iyo is dhex galka Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...