Ciidanka Itoobiya oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub farabadan.

Date:

Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in rasaas iyo hub badan ay ka heleen goobo ku yaala magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigray waqooyiga Itoobiya.

Hubkaan ayaa la sheegay in ay keydsadeen kooxda TPLF ee laga fara maroojiyay magaalada Mekelle 28 bishii naga idlaatay ee November.

Ciidanka ayaa sheegay in ay heleen 3 kunteynar oo ay ka buuxeen qoryo isugu jira AK-47,qoryaha shiish wanaaga ee meesha fog wax ka dila ee looyaqaan Snipers iyo garneylada gacanta.

Sidoo kale waxaa ay ciidanku sheegeen in ay qabteen rasaas xoog leh iyo dharka ciidanka TPLF iyo waliba kaararka aqoonsiga .

Ciidanka itoobiya ma sheegin cid ay hubkaan la xiriirinayaan oo ay qabteen

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...