Masuuliyiin ka tirsan wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug oo kormeer ku tagay iskuulka caruurta dhagoolada ah+(SAWIRRO).

Date:

waxaa  mudooyinkii u danbeeyay magaalada Galkacyo ka socday dadaalo lagu xoojinayo waxbarashada caruurta maqalkoodu maqan yahay ayaa waxaa masuuliyiin ka tirsan wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug ay kormeer ku aadan u kuur galida horumarada laga sameeyay waxbarida caruurta aan wax maqli karin ay ku tageen xarunta iskuulka dhagoolayaasha ee magaalada Galkacyo

Masuuliyiintaan ayaa intii ay kormeerkooda ku guda jiraan waxa ay warbixin ku aadan qaabka wax loo baro caruurta dhagoolada ah ka dhageesteen maamulaha Ishuulka Cabdiraxmaan Maxamed Kaarshe isagoona xusay in ay jireen culeysyo fara badan oo laga  soo maray balse haatan lagu guuleeystay helitaanka waxbarida Caruurta maqalkoodu maqan yahay.

Isku duwaha wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug Yurub Xaaji Cabdulqaadir Sheekh Cali  ayaa iyana sheegtay in ujeedka kormeer kooda uu ayahay in ay la socdaan xaalada ay wax ku bartaan caruurta dhagoolada ah, iyadoo sidoo kalana ku baaqday in la garab istaago waxbarida dadka laxaadkoodu kala dhiman yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...