Dowladda Iran oo Israel ku eedeysay dilkii Seynisyahan u dhashay dalkaasi.

Date:

Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha amniga ee Iran ayaa ku eedeynaya in Israel ay dishay Mohsen Fakhrizadeh oo ahaa Seynisyahankii ugu sareeyay Iran ee Nukliyeerka iyadoo adeegsaneysa qalabka tikniyoolajiyadda ee laga hago  meelaha fog.

Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Shamkhani wuxuu sheegay in shaki uusan ku jirin in Israa’iil iyo hay’adaheeda sirdoonka, Mossad, ay ka dambeeyeen weerarkaasi.

Sarkaalka ayaa yiri, “Israel ayaa dooneysay in ay disho Fakhrizadeh muddo 20 sano ah”, isaga oo intaa ku daray Isra’il ay weerarkaasi u adeegsatay xirfad casriyeysan  iyo qaab cusub oo ah nuucyadii ugu dambeeyay.

Seynisyahankaasi oo la dilay maalinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay ayaa ahaa khabiir dhanka Niyuklerka u qaabilsanaa dalka Iiraan,waxaana dilkiisa m arkii hore lagu sheegay in loo adeegsaday qarax uu dhaliyay gaari xamuul ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...