Wasiirka Haweenka Somaliya oo Garoowe kaga qayb gashay shirweynaha Haweenka dowladaha Hoose ee Puntland+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Somalia Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, iyo wafti isugu jiray xildhibaano, Sarentaro heer Federaal ah iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda haweenka iyo Xaquuqul Insanka Somaliya Deeq Saleeban ayaa Galinkii danbe ee Maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Wasiisiirad Xaniifa ayaa Garoowe kaga qayb gashay Daahfurka shirwaynaha ka qaybgalka Haweenka Puntland ee Golayaasha Deegaanka iyo Dowladaha Hoose kaasi oo socon doono Mudo laba cisho ah laguna falan qayn doono doorka Haweenka ee soo galitaanka Golayaasha deegaanka Puntland,Baarlamaanka iyo Fursadaha iyo Caqabadaha jira intaba.

Marwo Xaniiifo Maxamed Ibraahim Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka DFS oo ka hadlaysay daahfurkii Shirwaynahaani ayaa tiri”Gabdhuhu waa inay dowladaha hoose si mugleh uga qayb-qaataan, matalaadooduna ku badnaato, waana kuwa la rabo inay wax ka soo diyaarriyaan qorshaha horumarint degmooyinka, way og yihiin ama mashruuca horumarinta dowladaha hoose marka loo diyaar garoobayo meelaha laga horumarinayo sidaa darteed waa in miiska go’aaminta horumarinta degmada qaybtooda laga siiyo”

Safarkan wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka DFS ayaa salka ku haya sidii ay kulamo ula qaadan la haayeen haween waynaha Puntland, Odayaasha dhaqanka iyo Madaxdda Puntland islamrkaana la isaga kaashan lahaa sidii ay haweenka Musharaxiinta ahi uga mid noqo lahaayeeyn Golayaasha Dowladda Federaalka Somalia ee soosocda waxayna safarkooda horay ugu soo Mareen qaybo ka mid ah Maamulada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...