Wasiirka Haweenka Somaliya oo Garoowe kaga qayb gashay shirweynaha Haweenka dowladaha Hoose ee Puntland+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Somalia Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, iyo wafti isugu jiray xildhibaano, Sarentaro heer Federaal ah iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda haweenka iyo Xaquuqul Insanka Somaliya Deeq Saleeban ayaa Galinkii danbe ee Maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Wasiisiirad Xaniifa ayaa Garoowe kaga qayb gashay Daahfurka shirwaynaha ka qaybgalka Haweenka Puntland ee Golayaasha Deegaanka iyo Dowladaha Hoose kaasi oo socon doono Mudo laba cisho ah laguna falan qayn doono doorka Haweenka ee soo galitaanka Golayaasha deegaanka Puntland,Baarlamaanka iyo Fursadaha iyo Caqabadaha jira intaba.

Marwo Xaniiifo Maxamed Ibraahim Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka DFS oo ka hadlaysay daahfurkii Shirwaynahaani ayaa tiri”Gabdhuhu waa inay dowladaha hoose si mugleh uga qayb-qaataan, matalaadooduna ku badnaato, waana kuwa la rabo inay wax ka soo diyaarriyaan qorshaha horumarint degmooyinka, way og yihiin ama mashruuca horumarinta dowladaha hoose marka loo diyaar garoobayo meelaha laga horumarinayo sidaa darteed waa in miiska go’aaminta horumarinta degmada qaybtooda laga siiyo”

Safarkan wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka DFS ayaa salka ku haya sidii ay kulamo ula qaadan la haayeen haween waynaha Puntland, Odayaasha dhaqanka iyo Madaxdda Puntland islamrkaana la isaga kaashan lahaa sidii ay haweenka Musharaxiinta ahi uga mid noqo lahaayeeyn Golayaasha Dowladda Federaalka Somalia ee soosocda waxayna safarkooda horay ugu soo Mareen qaybo ka mid ah Maamulada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...