Ciidanka Federaalka Itoobiya ayaa qabsaday Magaalada Mekelle ee xarunta Gobalka Tigreega dalk Itoobiya.le

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa lagu sheegay In Mekelle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka itoobiya taas oo calaamad u ah soo afjarida wajigii ugu danbeeyay howlgalka sharci soo celinta

Ciidanka ayaa qoraalka lagu sheegay in sameeyeen arimo ay ka mid yihiin xaqiijinta siideynta maxaabiis ka tirsan taliska waqooyig ee ciidanka itoobiya kuwaas oo TPLF u xirnaa.

Ciidanka ayaa sidoo kale la wareegay goobaha mihiimka ah danta guud sida garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada heyadaha dowlada .

Booliska federaalka ayaa qoraalka lagu sheegay in ay iminka shaqadooda qabaan ayaan iyaga oo soo qabanaya danbiila yaasha TPLF si sharciga loo marsiiyo.

TPLF wali arintan kama hadlin balse waxay saakay qireen in ciidanka dowlada ay bilaabeen weerar ka dhan ah Mekelle.

Dagaalka waqooyiga itoobiya ee u dhaxeeyay TPLF iyo ciidanka federaalka itoobiya ayaa bilowday afartii bishaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...