Beeraleyga Deegaanka Xero Dhagaxley ee Degmada Hobyo oo cabasho ka muujiyay Saameen uu wax soo saarka beeraha ku yeeshay Ayax faro badan oo xaaluf ba’an ku haya+(SAWIRRO).

Date:

Deegaanka xero dhagaaxleey oo ka tirsan Degmada Hobyo islamarkaana ah deegaanada ugu horeeyay dhanka tabcashada beeraha ayaa waxaa beeraleyda halkaasi ku nool iyo maamulka deegaanku ay cabasho xoogan ka muujiyeen saameeyn uu wax soo saarka beerahooda ku yeeshay ayax korankaro kaas oo xaaluf ba’an ku haya dalagyadii ay beerteen.

Qaar ka mida beeraleyda oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka ayaxa ama koran koradu ay u geysteen dalagyadii ay tabcadeen iyagoo dhanka kalana codsaday in laga caawiyo sidii ayaxa ama koran korada looga hortagi lahaa.

Beeralayda ayaa sheegtay in Dalagyadii ay beerteen xilligan qeybo ka mid ah Saameeyeen oo ay ka cabsi qabaan in saameyntu ay intaasi ka balaarato waxayna intaasi ku dareen hadii aan hada wax laga qaban ay qasaaro intaasi ka badan ay soo gaari doono.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duleedka Baraawe

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga...