Ciidanka itoobiya oo sheegay in 50km ay u jiraan Mekelle xarunta gobalka Tigray.

Date:

Ciidamada itoobiya ayaa sheegay in dhowr jiho ay guluf xoog leh uga qaadeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Jeneraal Hassan Ibrahim ayaa wakaalada warar itoobiya u sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen magaalada Wukro oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan Mekelle .

Waxa uu sheegay in ciidanka ka duulay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka  Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro .

Dhanka Adigrat ayaa waxaa uu sheegay in ciidankii ka duulay ay qabsadeen magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.

Aaga Raya ayaa jeneraalku tilmaamay in ciidankii ka duulay ay hantiyeen magaalooyinka Adikeyeh  iyo Hewane.

Jeneraal Hassan Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka ay hada ku socdaan aaga buurta Mesobo oo ah meesha kaliya ee ka xigta Mekelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...