Madax ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda Galmudug oo kormeeray dhismaha xabsiga laga hirgelinayo Gaalkacyo+(SAWIRRO).

Date:

Iyadoo si habsami leh uu u socanayo dhismaha xabsiga weyn ee Galmudug ee laga hirgalinayo duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo ayaa maaanta waxaa kormeer ku aadan qiimeynta dhismaha xabsigaasi waxaa halkaasi ku tegay mas’uuliyin ka socatay Wasaaradda Caddaaladda Galmudug iyo Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda Gobalka Mudug

Mas’uuliyiintaan ayaa intii ay ku guda jireen kormeerkooda waxay qiimeeyn ku sameeyeen qaab dhismeedkii loogu tala galay in uu waafaqsan yahay sidii loogu tala galay

Kormeerka kaddib ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka ugu horeyn la hadlay Gudoomiyaha maxkamadda gobalka Mudug Cabdirisaaq Cali Yuusuf oo tilmaamay in dhismaha xabsigaan uu ahmiyad u leeyahay arrimaha garsoorka.

Agaasimaha Waaxda xabsiyada iyo asluubta Wasaaradda Cadaaladda Galmudug Maxamuud Maxamed Jaamac ayaa ku tilmaamay dhismaha xabsigu inuu yahay mid dabooli doona baahiyo badan oo la xariira dhanka caddaaladda iyo arrimaha Garsoorka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Galmuug Maxamuud Guure Guuleed ayaa xusay  in ujeedka kormeerkooda uu la xiriiro u kuurgelidda sida ay u socdaan dhismaha xabsiga laga hirgelinayo Gaalkacyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...