Marxuum Khaliif Ciise Mudan oo aas loogu sameeyay Garoowe+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Aas Garoowe loogu sameeyay Allaha u naxariistee Marxuum Khaliif Ciise Mudan.

Aaska marxuumka waxaa kaloo ka qeybgalay, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiilada, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland wuxuu markale uga tacsiyadeeyay bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Khaliif Ciise Mudane, si gaar ah wuxuu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska.

Alle ha u naxariisto Jeneraal Khaliif Ciise Mudan wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii dhexe ee Soomaaliya, burburkii kaddib wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, isagoo soo noqday Wasiirka Amniga. xiligan wuxuu ahaa La taliye Madaxweyne iyo xubin ka mid ah guddiga dib-u-habeynta Ciidamada Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....