Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay ergo ka socotay Midowga Afrika.

Date:

Waxaa maanta magaalada Addis Ababa ku kulmay Ra’isulwasaaraha Itoobiya iyo ergada Midowga Afrika u xilsaartay sidii wada hadal loogu xalin lahaa colaadda ka jirta waqooyiga Itoobiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Abiy Ahmed xafiikiisa ku qaabilay ergada.

Abiy ayaa sheegay in uu uga abaal hayo Midowga Afrika iyo hogaankooda welwelka iyo dareenka ay u muujiyeen Itoobiya .

Intii wada hadalka uu socday ayaa Ra’isulwasaaraha wuxuu wafdiga Midowga Afrika uga waramay sababta uu ku bilowday howlgalka sharci soo celinta ee gobalka Tigreega.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay in dowladda ay dastuuriyan xaq u leedahay, ayna tahay masuuliyadeeda meel marinta sharciga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...