Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan 306 milyan.

Date:

Heshiiskaan oo dowladda Faransiisku Soomaaliya uga cafisay 306 milyan oo dolarka marekanka ah ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale iyo Safiirka Dowladda Faransiiska ee Soomaaliya iyo Kenya Aline Ménager

Tani waa tilaabo kale oo Soomaalliya ay u qaaday ka guul gaarista wadahaldalka deyn cafinta oo maraya barta go’aan qaadashada.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiska kadib u waramay Warbaahinta Qaranka wuxuu sharxay muhiimada ay nooledahay  heshiiskan.

“Faransiiska waxa weeye wadanka 4aad ee lacagta ugu Badan naguleh, wadanka 1aad waa Maraykanka, wadanka 2aad waa Ruushka halka kan 3aad uu yahay Talyaaniga, faransiisku wuxuu nagu lahaa lacag dhan 560 milyan oo maanta 306 milyan oo kamida uu naga cafiyay” ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiirka maaliyadda ayaa hadalkiisa ku daray in lacagaha soo harray lagu hishiiyay in muddo 3 sano gudohood ah hadii Soomaaliya ay deymo kale qaadan laga cafin doono

Horey Soomaaliya waxaa deymaha ugu cafiyay  Wadamo iyo Hey’adaha dhaqaalaha Caalamka waxaana talaabada Faransiiska uga cafiyay Soomaaliya lacagtan ayaa ku timid dib u habeyntii maaliyadda iyo guulihii Soomaaliya ka gaartay wadahadalka dayn dhaafka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...