Taliyaha qeybta booliska Gobolka Bari oo dhiiri geliyay arday ka qalin badalaneysay Jaamacadda bariga Afrika+(SAWIRRO).

Date:

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud “Anagu waxaan u baahanahy dhallinyaro aqooon leh oo u adeega dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuna biira ciidamada Dowladda”

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa hadalkaani ka yiri mar uu maanta ka qeybgalay xaflad ay ku qalin badalanayeen arday dhammaysatay heerka koowaad ee Jaamacadda Bariga Afrika, laanteeda Boosaso, kuwaas oo bartay kuliyado kala duwan.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ardayda uga mahadceliyay dadaalka ay soo muujiyeen, waxana uu ugu baaqay in aqoonta ay uga sii faa’iideeyaan shacabka, waxa kaloo uu ku dhiirigeliyay in ay dalkooda aaminaan oo aqoonta ay sii wataan, kana shaqeeyaan horumarinta guud ee dalka iyo ka shaqaynta hal abuuro cusub oo wax tari kara bulshada Soomaaliyeed

Maamulka Jaamacadda bariga Afrika ayuu Taliye Xuseen uga mahadceliyay bilad sharaf iyo shahaado sharaf wada socda oo ay guddoonsiyeen, iyagoo u arkay shaqsi dadaal badan oo wax wayn ka badalay xaaladda amni ee Gobalka Bari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...