Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka warbixiyay socdaalka Madxaweynaha Hirshabeelle.

Date:

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegey in uu Beledweyne ku wajahanyahay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo dhinaca kale sheegay in lala fariisanayo cid walba oo tabasho qabta, si looga gaaro xal waara.

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu ku jooga Hiiraan ay tahay mid uu ugu gogol xaarayo socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo in dhamaadka todobaadka uu halkaasi gaaro, waxaana uu intaa ku daray in uu si horudhac ah kulamo ula qaatay qeybaha bulshada Hiiraan ku nool.

“Qofkasta oo cabaneysa waan la fadhiisaneynaa, waxay ka cabaneyso waan ka dhageysaneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan xalino tabashooyinka ay bulshada qabaan, si loo helo bulsho wax wada qabsata” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa tilmaamay inay qorsheynayaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana looga sifeyn lahaa deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan Hirshabeelle maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...