Askari ka tirsan Ciidamada qalabka sida ayaa Muqdisso ku dilay dhowr qof oo ay ka mid ah tahay Hooyadii dhashay.

Date:

Xaafadda Cali Kamiin ee degmada Warta ee gobolka banaadir Xalay waxaa ka dhacay fal naxdin leh Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo Nuuraay dhegojuun ayaa ku dilay lix qof oo dhammaan ah familkiisa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay lix kale oo isla familka kadib markii uu ku qarxiyay Bob gacmeed.

Dadka ku dhintay  waxaana ka mid ahaa hooyada  dhashay iyo wiil yar uu isag dhalay sidoo kale isaga laf ahaantiisa waxa uu ka mid yahay lixda ruux ee dhawaaca uu soo gaaray.

Maamulka degmada warta nabadda oo aan xiiiri la sameynay waxa ay inoo sheegeen in dhaawacyada la geeyay mid ka mid ah cisbitaalada magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo.

Sida la sheegay falkaan ayaa yimid kadib markii awiilka mid ah  familkiisa isku dayeen inuu ka qaado qori uu watay markii uu arkeen inuu  isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya taasina ay ka dhalatay inuu ku qarxiyo bab gacmeed uu ku hubeysnaa.

Arrintaan ayaa waxa ay fal amakaak iyo fajac ku noqotay dadka ku nool caasimada iyadoo muddooyinka ay dalka kusoo kordhayeen dhacdooyinka laga argagaxo gaar ahaan dadka ehelka ee isdilaya sida wiil iyo waalid ,nin iyo xaskiisa iyo falalkale oo ka m id ah dadka isxigta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...