Askari ka tirsan Ciidamada qalabka sida ayaa Muqdisso ku dilay dhowr qof oo ay ka mid ah tahay Hooyadii dhashay.

Date:

Xaafadda Cali Kamiin ee degmada Warta ee gobolka banaadir Xalay waxaa ka dhacay fal naxdin leh Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo Nuuraay dhegojuun ayaa ku dilay lix qof oo dhammaan ah familkiisa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay lix kale oo isla familka kadib markii uu ku qarxiyay Bob gacmeed.

Dadka ku dhintay  waxaana ka mid ahaa hooyada  dhashay iyo wiil yar uu isag dhalay sidoo kale isaga laf ahaantiisa waxa uu ka mid yahay lixda ruux ee dhawaaca uu soo gaaray.

Maamulka degmada warta nabadda oo aan xiiiri la sameynay waxa ay inoo sheegeen in dhaawacyada la geeyay mid ka mid ah cisbitaalada magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo.

Sida la sheegay falkaan ayaa yimid kadib markii awiilka mid ah  familkiisa isku dayeen inuu ka qaado qori uu watay markii uu arkeen inuu  isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya taasina ay ka dhalatay inuu ku qarxiyo bab gacmeed uu ku hubeysnaa.

Arrintaan ayaa waxa ay fal amakaak iyo fajac ku noqotay dadka ku nool caasimada iyadoo muddooyinka ay dalka kusoo kordhayeen dhacdooyinka laga argagaxo gaar ahaan dadka ehelka ee isdilaya sida wiil iyo waalid ,nin iyo xaskiisa iyo falalkale oo ka m id ah dadka isxigta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Xeer ilaalinta Qaranka oo gacanta ku haysa kiis la xiriira maalgelinta argagixisada

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa war-saxaafadeed ka...

Kuuriyada Koonfureed oo Safiirka cusub usoo magacowday Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda XFS oo waddanka Turkmenistan ugu qaybgalay shir muhiim ah

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Mudane...