Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya Oo Geeriyooday.

Date:

Taliyihii hore ee ciidamada cirka soomaaliya dowladii militeriga Gen khaliif ciise Mudan ayaa ku geeriday wadanka turkiga oo uu mudo ku xanuusanaa.

Marxuumka ayaa soo noqday wasiirka amniga puntland xukuumadii Cabdiraxmaan Faroole sidoo kale waxa uu  kamid ahaa musharixiintii kula tartamay xilka madaxweynaha puntland doorashadii 2019 ee uu hada hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Hadii aan fiirino taariiqdiisa oo kooban

Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland sanadkii 1954-tii,wuxuuna ku qaatay waxbarashadiisii hoose,dhexe isla magaaladda Boosaso,sidoo kale wuxuu dugsiga sare ka dhigtey Dugsiga Jamaal Cabdinaasir magaaladda Muqdisho ee  Gobolka Banaadir.

1974-tii wuxuu dhamaystey jaamacad ku taala dalka Ruushka,wuxuuna noqday duuliye sarre (Pilot) ka tirsan ciidamadii cirka Soomaaliya,ka dibna wuxuu noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii uu hogaamin jirey Alle ha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre.

Sanadkii 1986-dii wuxuu ka qaatay jaamacad ku taala dalka Mareykanka shahaadada Master-ka gaar ahaan cilmiga, Master of Business MBA (leadership, Human resource and management.

Ugu dambeyn goordhaweyd ayuu ku geeriyooday wadanka Turkiga Allah ha naxariistee Generaal khaliif Ciise Mudan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...