Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya Oo Geeriyooday.

Date:

Taliyihii hore ee ciidamada cirka soomaaliya dowladii militeriga Gen khaliif ciise Mudan ayaa ku geeriday wadanka turkiga oo uu mudo ku xanuusanaa.

Marxuumka ayaa soo noqday wasiirka amniga puntland xukuumadii Cabdiraxmaan Faroole sidoo kale waxa uu  kamid ahaa musharixiintii kula tartamay xilka madaxweynaha puntland doorashadii 2019 ee uu hada hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Hadii aan fiirino taariiqdiisa oo kooban

Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland sanadkii 1954-tii,wuxuuna ku qaatay waxbarashadiisii hoose,dhexe isla magaaladda Boosaso,sidoo kale wuxuu dugsiga sare ka dhigtey Dugsiga Jamaal Cabdinaasir magaaladda Muqdisho ee  Gobolka Banaadir.

1974-tii wuxuu dhamaystey jaamacad ku taala dalka Ruushka,wuxuuna noqday duuliye sarre (Pilot) ka tirsan ciidamadii cirka Soomaaliya,ka dibna wuxuu noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii uu hogaamin jirey Alle ha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre.

Sanadkii 1986-dii wuxuu ka qaatay jaamacad ku taala dalka Mareykanka shahaadada Master-ka gaar ahaan cilmiga, Master of Business MBA (leadership, Human resource and management.

Ugu dambeyn goordhaweyd ayuu ku geeriyooday wadanka Turkiga Allah ha naxariistee Generaal khaliif Ciise Mudan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka qeybgalay Barnaamijka Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise...

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii Toddobaadlaha ahaa

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Beeraha dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...