Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo Baydhabo ka furay Mashruuc horumarineed+(SAWIRRO).

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarigga ka jaray mashuuriic horumarineed oo dhinacyo badan, taasoo ay hayโ€™adda Qatar Charity ka hirgalisay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Mashaariicdan ayaa ka kooban Iskuul hoose, dhexe iyo sare, xarun qaabilsan Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, Foorno laga quudiiyo dadka danyarta ah iyo qeyb ganacsi iyo ceel biyo nadiif ah siiya dadka xaafadaha laga hirgaliyay mashruuca.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar fulinta mashaariicdan kala duwan ee waxtar ka u leh bulshada, gaar ahaan taakuleynta dadka danyarta ah ee awoodin helidda mashaariicda loo sameeyey.

โ€œMashaariicdan aan maanta xariga ka jarnay waxay isugu jiraan goobo Waxbarasho, Caafimaad, Ceel biyood iyo goobo lagu quudiyo danyarta, waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Qatar taageeradeeda ku qotonta baahiyaha bulshada, ka dowlad ahaana waa naga goโ€™an tahay gacan siinta bulshadaโ€.

Munaasabadda furitaanka Mashaariicdan ayaa waxaa ka qeybgalay Danjiraha Dowladda Qatar Hassan Hamza Asad Hashem Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Wasirro iyo masuuliyiin heer federaal iyo heer gobol.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...