Khasaaraha ka dhashay duufaanta GATI oo ku dhufatay gobolka Bari oo korortay.

Date:

Ugu yaraan 8 kalluumeesato u dhashay Yaman ayaa la xaqiijiyay iney ku naf wayeen halka 9 qof kale oo ka mid ah dadka degaanka ah ay dhaawacyo kala duwan  kasoo gareen  roobab dabeylo wata oo sacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari, waxaana burburay guryo ku yaalla halkaas oo dabeysha burburisay.

Dadki ku noolaa deegaanka lagu magacaabo Hurdiya oo u dhow Xaafuun ayaa barakacay, kadib markii gudaha deegaanka ay soo gaareen biyaha badda kadib markii ay ku dhufatay duufaan xoogan.

Degmooyin iyo degaano katirsan gobolka Bari, oo dhammaan ku yaal bariga Puntland ayaa roobabku siweyn uga da’een, waxaana kamid ah magaalada xeebta ku taal ee Xaafuun oo roobku si aad ah saamayn ugu yeeshay sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha magaalada Xaafuun ee gobolka Bari Maxamuud Yuusuf.

Roobabka watay duufaanta ayaa saameeyay deegaanno badan waxeyna jareen isgaarsiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...