Munaasabad lagu weeyneynayay maalinta Macallimka Soomaaliyeed oo ku beegan 21ka November ayaa lagu qabtay magaalada xuddur ee Gobolka Bakool+(SAWIRRO).

Date:

Munaasabaddan oo lagu maamuusayey maalinta Macallimka Soomaaliyeed waxaa soo agaasimay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee koonfur galbeed waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka bakool iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn munaasabada waxaa ka hadlay oo taariikhda macalinka ku dheeraaday guddoonka waxbarashada degmada xuddur Aadan Axmed Maxamuud Qoosh oo sheegay in Kaalin weyn uu ku leeyahay macalinka Bulshada islamarkaana uu soo saaro Bulsho wax taqaan.

Maamulayaasha macallimiinta iyo qaybihii kala duwaanaa bulshada ee xafladda lagu casuumay ayaa ka hadlay qiimaha uu ugu fadhiyo Macalinka Umada Soomaaliyeed waxayna xuseen in mar kastaba macalin uu umada u horseedo Iftiin.

Sidoo kale marti sharaftii xafladda ka hadlay ayaa  halkaasi ka jeediyay khudbado ay ku dhiirigelinayaan Macalimiinta soomaaliyeed.

Isuduwaha Wasaarada Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee gobolka bakool Cabduqaadir Nuur Cadow iyo Guddoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada iyo Siyaasada Gobolka Bakool Yaxye Macalin ayaa munaasabadda 21-ka November awgeed hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...