Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Galdogob gaaray+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal ku jooga Puntland ayaa maanta gaaray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Ujeeddada socdaalka ayaa qeyb ka ah kormeer uu Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sameynayaan deegaannada ay ka socdaan mashaariicda taageerraya qoysaska nugul iyo kuwa saameynta uu gaarsiiyay Ayaxa.

“Waxay ii tahay arrin muhiim ah imaatinkeyga Galdogob, socdaalkan wuxuu qeyb ka yahay socdaal aan ku soo marey deegaanno ka tirsan Puntland” ayuu yiri Wasiir Duraan oo dulleedka magaalada kula hadlay mas’uuliyiinta Degmada iyo qeybaha bulshada oo halkaa ku soo dhaweeyay.

“Waxaan kormeer iyo qiimeyn ku sameyn doonaa mashaariicda Baxnaano ee ka socda degmada oo lagu taageerayo Qoysaska nugul iyo kuwa uu Ayaxu saameynta u geystay.” ayuu ku daray isagoo u mahadceliyay mas’uuliyiinta degmada iyo qeybaha bulshada ee sida ballaaran u soo dhaweeyay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inuu kulamo la qaadanayo mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha bulshada, waxaa kalo uu xaqiijiyay inay tagi doonaan wafdiga uu hoggaaminayo goobaha muhiimka ah ee u adeegga bulshada.

Degmada Galdogob oo ah deegaan Xoolo-dhaqato iyo beeralay ay ku noolyihiin ayaa ka faa’iideysanaya barnaamijka Baxnaano, gaar ahaanna mashaariicda taageeraya bulshada nugul iyo qoysaska uu saameeyay Ayaxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo bilaabi doontaa adeegga E-VISA laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah...

Soomaaliya iyo Kazakhstan oo kala saxiixday heshiis Diblomaasiyadeed

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Türkiye ayaa...

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada ee Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan xoojinta difaaca dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...