Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo abaalmarino guddoonsiiyay dhallinyaro tartan orod loo qabtay+(SAWIRRO).

Date:

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey orodyahanada kaalmaha hore ka galay tartanka Orodka 5km ee Puntland  oo galabta lagu qabtay Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland  ayaa bogaadiyey orodyahanada tartanka ka qeybgalay oo ka kala yimid Gobolada Puntland iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

Tartanku markii uu dhammaaday waxaa uu Madaxweyne Ku-xigeen Dowlad Goboleedka Puntland  uu Abaalmarin isugu jirta lacag iyo bilado guddoonsiiyey saddexdii orodyahan ee kaalmaha hore galay, kuwaasi oo kala ah Maxamed Cabdinuur Jaamac oo kaalinta koowaad galay, Fu’aad Siciid Cali oo isna kaalinta labaad galay iyo Maxamed Muxiyadiin oo kaalinta saddexaad galay.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka iyo kan degmada, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Guddoomiyaha Aqalka Sare Gufdoonsiiyay haddiyad ka timid Madxafka Nabadda Carta.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

CXD oo howlgal ka fuliyay Buula Madiina oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.

Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa...

Eighth CIIE sees 80% more African exhibitors from a year ago.

The 8th China International Import Expo (CIIE) marks the...