(AKHRISO) Taariikh Nololeedkii Alaha u naxariitee Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib.

Date:

Waa Kuma Cumar Carte Qaalib ?
(Taariikh kooban )

Cumar Carte Qaalib , waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Cadan ee dalka Yemen, markii dambe waxa uu wax ku bartay jaamacada Bristol ee dalka Ingiriiska .

Markii uu soo laabtay 1950-yadii waxa uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinka Laascaanood , Hargeysa iyo Berbera , Ingiriiska ayuu ku noqday sannadkii 1956 isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare , waxa uu soo laabtay sannadkii 1958 oo loo magacaabay maamule ku xigeenka dugsigii dhexe ee Sheekh , markaa dib waxa uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabiley.

Waxa uu ka tirsanaa xisbi la odhan jiray United Somali Congress , markii ay Somaliland Ingiriiska madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960 , waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey .

Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibeda 1969 , waxa uu noqday Madaxweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 1972 , sannadkii 1974 waxa uu Soomaaliya ku daray ururka jaamacada Carabta . Waxa uu xilka wasiirka arrimaha hayey illaa 1977.

7 June 1982, Cumar Carte Qaalib iyo 16 siyaasi oo kale ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed , waxaana 7 Febuary ee sannadkaasi maxkmada la soo taagay Cumar Carte iyo Madaxweyne ku xigeenkii i oo ahaa Ismaaciil Cali Abokor . Cumar lagu xukumay dil 1989 ka dib toddobo sanno oo uu xidhnaa , laakiin dilkiisa waxa baajiyay cadaadis ka yimi beesha caalamka iyo ururada u dooda xuquuuqda aadamaha , waxaana loogu badelay xabsi.

Waxa lagu hayey xabsi guri uu ku jiray laba sanno , bishii January 1991 , ayaa Maxamed Siyaad Barre u macaabay Ra’iisalwsaare si uu u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha u soo galay magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre , waxa xukunka laga tuuray 26 January 1991.

Markii ay dawladdu sii burburaysay , waxa uu ugu baaqay ciidamadu in ay hubkoodu ku wareejiyeen jabhadaha dagaalka kula jiray , waxaana uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara oo colaadaha la isku afjaro.

Garabkii siyaasada ee jabhadii USC , ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaana uu isna Ra’iisalwsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib , oo jagadaasi hayey illaa bishii May 1993.

1993 , waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.

Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax ka noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galay doorashadii dawladdaha hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi .

Carte dadka yaqaanaa , waxa ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti badan oo qunyar socod ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.

Fiiro-gaar ah : Wixii aan ka tagay waa lagu dari karaa , wixii khaldana waa la sixi karaa .

Xigasho: Maxamed Boosh

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...