Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo daah-furay barnaamijka mahadnaqa qorayaasha iyo daahfurka aaladeynta manhajka Qaranka.

Date:

Munaasabadda oo loogu mahadnaqayay Qorayaasha laguna Daahfurayay aaladeynta Manhajka Qaranka ayaa lagu qabtay xarunta Murtida iyo Wacyigelinta ee tiyaatarka Qaranka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin ra,iisul wasaare ku xigeenka dalka,xildhibaanno iyo wasiirro, waxaana qeyb ka ahaa qeybaha kala duwan ee bulshada sida ardayda wax ka barata gobolka Banaadir iyo ururada bulshada rayidka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar” ayaa daahfuray munaasabadda mahadnaqa qorayaasha iyo daahfurka aaladeynta manhajka Qaranka, wuxuuna qorayaasha wakhtiga badan geliyay manhaj ka turjumaya dalka uga mahadceliyay dadaalkooda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in dadaalkooda ugu badan ay geli doonaan waxbarashada dalka si loo gaaro horumar ballaaran oo gaara dhammaan dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...