Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo daah-furay barnaamijka mahadnaqa qorayaasha iyo daahfurka aaladeynta manhajka Qaranka.

Date:

Munaasabadda oo loogu mahadnaqayay Qorayaasha laguna Daahfurayay aaladeynta Manhajka Qaranka ayaa lagu qabtay xarunta Murtida iyo Wacyigelinta ee tiyaatarka Qaranka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin ra,iisul wasaare ku xigeenka dalka,xildhibaanno iyo wasiirro, waxaana qeyb ka ahaa qeybaha kala duwan ee bulshada sida ardayda wax ka barata gobolka Banaadir iyo ururada bulshada rayidka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar” ayaa daahfuray munaasabadda mahadnaqa qorayaasha iyo daahfurka aaladeynta manhajka Qaranka, wuxuuna qorayaasha wakhtiga badan geliyay manhaj ka turjumaya dalka uga mahadceliyay dadaalkooda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in dadaalkooda ugu badan ay geli doonaan waxbarashada dalka si loo gaaro horumar ballaaran oo gaara dhammaan dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...