Suudaan oo qorsheyneysa inay muwaadiniinteeda kala baxdo gobalka Tigreega ee Itoobiya.

Date:

Dowladda Suudaan ayaa qorsheeyneysa inay muwaadiniinteeda ย  kala soo baxdo dalka Itoobiya,gaar ahaan gobalka Tigreega oo ay ka socdaan dagaallada dhowaan ka bilowday dalkaasi.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan la socoto xaaladda muwaadiniinta ku sugan gobalka Tigreega, inkasta oo gobalka laga jaray isgaarsiinta.

Bayaanka ayaa muwaadiniinta ugu baaqay inay is dejiyaan inta safaarada Suudaan ee dalkaas dhamaystireyso qorshaha lagu soo qaadaayo.

4-tii November, waxaa gobalka Tigreega ee Itoobiya ka bilaawday dagaal u dhaxeeya Ciidmada Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega kaas oo sababay in dad fara badan ka qaxaan gobalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...