Dowlada Mareykanka oo Horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab ku dartay liiska argagixisada

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Cabdullaahi Cismaan Maxamed iyo Macallin Ayman ay yihiin hoggaamiyeyaasha sarsare ee Al-Shabaab oo fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale loo yaqaan “Injineer Ismaaciil,” waa khabiirka sare ee kooxda argagixisada ee mas’uul ka ah guud ahaan maaraynta hawlgallada, qaraxyada iyo soo saarista ee Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu lataliye gaar ah u yahay waxa loogu yeero “amiirka” Al-Shabaab waana hoggaamiyaha garabka warbaahinta Al-Shabaab, al-Kataib.

Macallin Ayman waa hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawlgallo ka fuliya Kenya iyo Soomaaliya. Ayman wuxuu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii January 2020 ee ka dhacay Camp Simba agagaarka Manda Bay ee dalka Kenya, kaasoo ay ku dhinteen hal xubin oo ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo laba qandaraasle Mareykan ah.

Al-Shabaab, oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u aqoonsatay inay tahay Urur Argagixiso bishii Maarso 2008, waa mid ka mid ah ururada ugu halista badan kooxaha al-Qa’ida. Waxay sii waddaa in ay khatar geliso nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo sidoo kale Kenya Ayey tiri waaxda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.

Waxa ay intaasi ku dartay, Dowladda Mareykanka in ay ka go’antahay in ay carqaladeyso hababka maaliyadeed ee sharci darrada ah ee Al-Shabaab, iyadoo la xaddidayo awooddeeda ay ku qaadi karto weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, iyo in ay ku taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeynta maalgelinta argagixisada iyo in ay si dhow ula shaqeyn doonto dowladaha si loo yareeyo awoodda iyo howlaha kooxaha argagixisada, loolana dagaallamo kooxaha iyo saameynta ay ku leeyihiin Bariga Afrika.

Kadib shaacinta magacyada argagixasadaani, waxaa la mamnuucay in wax macaamil ah lala yeesho Maxamed iyo Ayman waxayna ogeysiineysaa dadweynaha iyo beesha caalamka in Cabdullaahi Cismaan Maxamed iyo Macallin Ayman ay yihiin hoggaamiyeyaasha urur argagixiso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...