Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay dad loo heysto dilka qoys lagu laayay Degmada Warsheekh.

Date:

Ciidamo ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gal ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dil Hooyo & lanba Carruur ah oo ay dhashay, loogu geystay duleedka degmadaasi.

Howl-galkaan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka Hir-Shabeelle Ismaaciil Xaadoole, Saraakiil ka tirsan qeybta 27-aad iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Warsheekh,

Ciidamada ayaa  waxaa ay gacanta ku dhigeen 5 Ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa oo xilli habeen ah degaanka xaluule loogu geystay Hooyo umul aheyd iyo laba Carruur ah oo ay dhashay.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa balan ku qaaday in qof walbo oo falkaan ku lug lahaa sharciga lala tiigsan doono.

Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa bishaan gudaheeda waxaa ka dhacay dilal foolxun oo la xiriira aanooyin qabiil oo Sanadihii la soo dhaafay ka taagan degaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh iyo Cadale, waxaana maamulka gobolka shabeellaha dhexe ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...