Dalka Peru oo todobaad gudihiis magacaabay Madaxweynihii 3-aad.

Date:

Baarlamaanka dalka Peru ayaa madaxweyne cusub u doortay sharci-dejiye lagu magacaabo Francisco Sagasti  si loo helo xal siyaasadeed oo lagu dejiyo xiisadda cakiran ka dib markii muddo todobaad gudihii ay is-casileen laba madaxweyne.

Sagasti wuxuu noqon doonaa madaxweynihii saddexaad ee Peru todobaad gudihiis, kadib markii Manuel Merino oo shan maalmood ka hor loo dhaariyay xilkaasi uu is casilay Axadii.

Toddobaadkii hore madaxwayne Martin Vizcarra ayaa isna xilka laga qaaday ka dib markii lagu eedeeya laaluush,

Xiisadda siyaasadeed ee dalka Peru ayaa u muuqataa mid qarka u saaran in la xalliyo iyadoo Koongarasku uu doortay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah oo talada sii haya illaa sanadka soo socda oo la dooranayo Madaxweyne kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddax maalmood ah hoos u dhigtay Calanka Soomaaliya

Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Dhuusamareeb uga qeyb galay Madasha Maan-tashano

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane...