Dowlada Itoobiya oo Duqeymo cirka ah ka fulisay Caasimada Tigray ee Waqooyiga Dalkaasi isla markaana diiday baaqyada dhexdhexaadinta.

Date:

Diyaaradaha dagaalka ee Dowlada Itoobiya ayaa duqeeyay magaalo madaxda gobolka Tigreega ee xasarada ka taagan, ilo wareedyo dhowr ah ayaa sheegay, iyadoo dowladda federaalka ay gaashaanka u daruurtay cadaadisyada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo khilaafka iyada iyo xoogag daacada u ah xisbiga maamulka gobolka Waqooyi ee Tigreega.

Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa bambooyin ku tuuray magaalada Mekelle iyo hareeraheeda, sida laga soo xigtay afar ilo diblomaasiyadeed iyo milatari oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qasaaraha ka dhashay Weeraradaasi iyadoo sidoo kalana aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dowlada Ethiopia.

Ann Encontre, oo ah wakiilka hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee Dalka Itoobiya, ayaa sheegtay in Shaqaalahooda jooga Magaalada Mekelle, maalintii Isniinta, ay soo wariyeen inay arkeen “duqeyn cirka ah, oo aan ka fogeyn Xaruntooda”.

Ra’iisul wasaare Abiy, Axmed ayaa ilaa hadda iska caabiyey cadaadiska lagu saarayo wadahadalo si loo soo afjaro qalalaasaha ka jiro Gobolka Waqooyi ee Dalkaasi Itoobiya taasoo laga cabsi qabo in xasillooni darro ka abuuri karto gobolka ballaadhan ee Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...