Agaasimaha Howlaha Guud Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Kormeerey Wadooyinka isxilqaan lagu dhisayo+(SAWIRRO).

Date:

Guddiga Howlaha guud ee Degmada Xudur ayaa kulan la qaatay  Agaasimaha Howlaha Guud dib-u-dhiska iyo guryeynta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Yuusuf Wadani oo howlo shaqo ujoogo magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Guddiga ayaa kala hadlay baahiyaha looqabo dhismaha Wadooyinka Maamulka ay balaariyeen iyo kuwo sida sharcidaro ah lagu dhistay oo dhowaan ay bixinayaan iyo sida hay’adaha hormarada ka shaqeeya iyo guddiga ay u wada shaqeyn lahaayeen.

Agaasimaha ayaa dhankiisa Guddiga hawlaha guud ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay qabteen, intaa ka dib Agaasimaha iyo Injimeerada ayaa kormeerey wado halbowle ah oo dhexmarta magaalada oo si Isxilqaan ah bulshada ku dhisayaan.

Guddiga isxilqaan ayaa agaasimaha uga warbixiyey shaqada ay qabteen iyo dhismaha buundo oo aan dhaqaale loo heynin, waxaana Agaasimaha uu guddiga u balan qaaday lacag dhan $500 oo isxilqaanka uga qeyb qaadanayo iyo Injineerada Wasaaradda oo qiimeyn iyo naqshadeynba ku sameyn doono buundada la dhisayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...