Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka shaqo oo qaadanaya muddo ku dhow toddobaad ayaa sidoo kale, Wasiirka wuxuu kormeeri doono deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada ay Wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul.

“Waxay noo tahay arrin muhiim ah booqashadan uu Wasiirka ku soo gaaray Garoowe, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka waxaa naga dhaxeeya wada shaqeyn ballaaran” Marwo Hodan Siciid Xasan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo Wasiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ayaa u sheegtay Warbaahinta.

Wasiir Duraan Faarax, ayaa sheegay socdaalkan iniuu xaqiijinayo sida ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada, wuxuuna inta ku daray inay hadda diiradda saarayaan sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagu dhimayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta.

“Ujeeddada waxay tahay sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyada ay Wasaaraddan ku taageerrayso..waxaana tagi doona deegaanno kale oo Puntland ah si loo dardargaliyo ,qiimeyna loogu sameeyo barnaamijka Baxnaano oo taageerro dhaqaalo ay ka helayaan qoysas badan oo reer Puntland ah gaar ahaanna kuwa nugul.” ayuu yiri Wasir Duraan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa kalo uu caddeeyay in dhowaan la guda gali doono taageerro dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa.

Booqasho uu Wasiirka ku tagey Garoowe, waxaa ku weheliya saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay qeyb ka tahay Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada ahna madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullahi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...